Qarax ka dhacay Magaalada Abu Dhabi (SAWIRRO)

Qarax xoogan oo laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada Abu Dhabi ee dalka Emirate-ka Carabta ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhex dhacay dhisme ay ku dhex taalo maqaaxi lagu magacaabo KFC. Maqaaxidan la bartilmaameedsaday ayaa sidoo kale ku taala wadada gasha Garoonka Abu Dhabi.

Qaraxan waxaa lagu soo beegay, xilli ay garoonkaasi ka cago-dhiganeysay diyaaraddii ugu horeysay, oo Israel laga leeyahay oo maanta duulimaad ku tagtay dalkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray xoogaga ammaanka, kuwaa oo wadooyinka soo gala xiray, sidoo kalana waxay ciidamadu baaritaan ka wadaan gudaha maqaaxida, iyagoo markaasi raadraac ku sameynaya kuwii qaraxaasi ka dambeeyay.

Saraakiisha ammaanka ayaan weli ka hadlin nooca uu qaraxu ahaa iyo weliba khasaaraha ka dhashay, marka laga soo taggo in burbur uu ka soo gaaray dhismaha maqaaxidaasi.

Faallooyin