Diyaaraddii ugu horeysay oo Israel oo duulimaad ku tagtay Abu Dhabi

Diyaaradda A Star El Al plane ayaa goor dhow ka cago-dhigatay Magaalada Abu Dhabi ee dalka Emirate-ka Carabta, ka dib markii ay ka soo duushay Garoonka Ben-Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Diyaaradda ayaa siday wafdi ka socday Mareykanka iyo Israel, sida Lataliyaha sare ee Madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Israel, Meir Ben-Shabbat.

Waa diyaaraddii ugu horeysay oo Israel laga leeyahay oo duulimaad ku tagta dalka Emirate-ka Carabta, inta ay taariikhda qoreyso.

Mareykanka ayaa ka shaqeeyay inay labada dhinac isu soo dhawaadaan, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Benjamin Netanyahu, Ra'iisal Wasaaraha Israel ayaa Axadii wafdi ka socday dalka Mareykanka u sheegay inay wadahadalo qorsoodiya kula jiraan dalal kale oo Carbeed, kuwaa oo sida uu sheegay raaci doono wadadii Emirate-ka Carabta.

Xiriirka curdunka ah ee u bilowday Abu Dhabi iyo Tel Aviv ayaa waxaa si weyn uga horyimid Falastiiniyiinta, ay dhulkooda xoogga ku haysato Israel.

Maamulka Abu Dhabi ayaa aqbalay in uu xiriir iskaashi la bilaabo Israel, iyadoo aan weli xal rasmi ah laga gaarin colaadda Falastiiniyiinta kala dhaxeysa Maamulka Yahuudda.

Faallooyin