Ninkii Muslimiinta ku laayay dalka New Zealand oo la xukumay

Maxkamadda sare ee dalka dalka New Zealand ayaa saaka xabsi daa’in ku xukuntay Brenton Tarrant, oo sanadkii hore Muslimiin fara-badan ku laayay dalkaasi.

Ninkan ayaa 51 qof oo Muslimiin ahaa ku dilay laba Masaajid oo ku yaala Magaalada Christchurch, 15-kii bishii March ee sanadkii 2019.

Ka hor inta aan xukunkiisa lagu dhawaaqin ayuu Garsooraha Maxkamadda dhageystay doodihii ay kiiskiisa ku soo geba-gabeynayeen dacwad-oogaha maxkamadda iyo qareenkii difaacayay.

Garsooraha Maxkamadda, Cameron Mander ayaana ku dhawaaqay xukunka ninkaasi inuu yahay xabsi daa’in.

Mark Zarifeh, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ayaa sheegay inaanu ninkaasi ku filnayn xabsi daa’in oo keliya, haddii ninka u dhashay dalka Australia aanu muujin xitaa in uu ka xunyahay falkaasi.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jiri doonin sabab ninkaasi xabsiga looga sii daayo, xitaa haddii ay noqoto waxa uu ugu yeeray sii deyn-sharafeed, noloshiisa inta ka dhimana uu xabsiga ku dhameysan doono.

“Dembiyadaadu aad ayay u xun yihiin, xitaa haddii lagu xiro illaa aad ka dhimato, kuma filna ciqaabta aad mudan tahay.” Ayuu yiri Mark Zarifeh.

“Ficiladaadu waxay ahaayeen wax ka baxsan bani’aadanimada, mana aadan samayn wax naxariis ah. Ma tihid gacan ku-dhiigle oo keliya, balse waxaa tahay argagixiso.” Ayuu sii raaciyay Zarifeh.

Inta ay qoreyso taariikhda dalka New Zealand waa qofkii ugu horeeyay oo lagu rido xukun kaasi oo kala ah.

Faallooyin