Abiy Ahmed oo booqasho ku joogga dalka Suudaan (SAWIRRO)

Abiy Ahmed, Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa shalay booqasho ku tagay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, si uu madaxda dalkaasi ugala hadlo xiisadda ka dhalatay biyo xireenka ay Itoobiya ku sameyneyso Webiga Nile.

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Khartoum ku soo dhaweeyay Abdalla Hamdok, Ra'iisal Wasaaraha Suudaan.

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Suudaan, iyagoona ka wadahadlay arrimo ay ugu muhiimsan tahay muranka ka taagan biyo xireenkeeda, kalana dhaxeeya dalalka Suudaan iyo Masar.

Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen in la taageero dhexdhexaadinta uu garwadeenka ka yahay Ururka Midowga Afrika, si saddexdaasi dal ay heshiis uga gaaraan khilaafka hareeyay biyo xireenka ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda Addis Ababa.

Ra'iisal Wasaaraha Suudaan, Abdalla Hamdok oo shir jaraa'id ka hadlayay ayaa sheegay in baahi loo qabo heshiis ay saddex dalba ka gaaraan muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya.

"Waxaan adkeynayaa baahida loo qabo in la gaaro heshiis rasmi ah, oo ay ku wada qanacsan yihiin saddexda dowladood iyo in la taageero dadaalada Midowga Afrika." Ayuu yiri Abdalla Hamdok.

Hamdok ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in heshiis laga gaari karo biyo xireenka Webiga Nile, haddii si dhab ah loo abaaro wadahadalada xalka loogu raadinayo.

Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa dhinaciisa sheegay in arrintan lagu xalin karo wada xaajood ay dalalku ka wada yeeshaan, bacdamaa sida uu sheegay ay saddexda shacaba yihiin hal ummad, oo taariikh iyo maslaxo wadajira ay ka dhaxeyso.

Faallooyin