Bayern Munich oo ku guuleysatay Koobka Champions League

Kooxda kubadda cagta Beyern Munich ee ka dhisan heerka 1aad ee horyaalka dalka Jarmalka ayaa caawa ku guuleysatay Koobka Horyaalada Yurub ee UEFA Champions League.

Bayern Munich ayaa 1-0 kaga adkaatay kooxda kubadda cagta PSG ee ka tirsan heerka 1aad ee horyaalka dalka Faransiiska, ka dib cayaar adag oo caawa ka dhacday Magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Qaybta hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay barbar-dhac 0-0 ah, balse qaybta dambe ee cayaarta ayay Bayern Munich heshay goolka keliya ee ay ku badisay, waxaana u saxiixay cayaaryahanka xagga weerarka uga cayaara ee Coman.


Inta badan kubad heysashada cayaarta ayaa waxaa maamuleysay Bayern Munich, waxaadna mooddaa in wa-xoogaa ka gacan-seyray dhigeeda PSG.

Labada kooxood ayaa abuuray fursado loo fishay inay goolal kale ku dhalin karaan, inkastoo aysan taasi u suurtagelin.

Dhammaadkii cayaarta ayay PSG dadaal u gashay, sidii ay ku keeni laheyd goolkii barbar-dhaca, balse taas kama aynaan caawin inay soo taabtaan shabaqa uu ilaalada ka hayay goolhaye Neuer.

Waa markii lixaad oo kooxda Bayern Munich ku guuleysato koobka dhegaha waaweyn ee loo yaqaano Champions League.

Faallooyin