Qaraxii ugu xooganaa oo ka dhacay Caasimadda Lubnaan (SAWIRRO)

Qaraxan oo lagu sheegay kiisii ugu xooganaa ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Beirut ee Caasimadda Dalka Lubnaan.

Dadka deegaanka ayaa marka hore arkaayay qiiq ka soo baxaya meel ku dhow Dekeda Magaalada Beirut, waxaana xigay qaraxan oo gilgilay gebi ahaanba magaaladaasi.

Wakaaladda Wararka Lubnaan (NNA) ayaa ku warantay in halka uu qaraxaasi ka dhacay ay ku yaallaan bakhaaro waxyaabaha qarxa lagu keydiyo.

Agaasimaha Guud ee Amniga, Major General Abbas Ibrahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku yaallaan bakhaarada lagu keydiyo walxaha qarxa.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in dad aad u fara-badan ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, dibna ay ka soo faah faahin doonaan inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warantay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhimatay qaraxaasi, halka tobonaan kalana ay ku dhaawacantay.

Qaraxan ayaa muraayadaha ka daadiyay dhismooyinka dhaadheer ee magaaladaasi ku yaala, waxaana jira dhismooyin kale oo ku burburay baaxadda uu qaraxu lahaa awgii.

Kooxaha gurmadka deg-degga ayaa weli ku hawlan gurmadka ay u fidinayaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Faallooyin