Carro ka dhalatay laba nin oo lagu dilay Suuqa Xoolaha ee Garissa

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa carro xoog lihi ka muujiyay laba nin, oo Ciidamada Booliska Kenya ay Sabtidii ku dileen Suuqa Xoolaha ee Garissa.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in xilligaa ay ku daba jooggeen rag lagu sheegay inay dembiile-yaal ahaayeen, waxayna rasaas ay furayn sababtay geerida laba nin, oo ka mid ahaa dalaaleyda xoolaha.

Ciidamada Booliska ayaa Suuqa Xoolaha isaga tagay ka dib dhacdadaasi, waxaana xigay boqolaal dhalinyaro ah oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada, iyagoona wadooyinka qaarkood dhegxaan ku jaray.

Dhalinyaradaasi ayaa markii dambe isugu tagay afaafka hore ee Saldhiga Booliska, iyadoo la arkaayay iyagoo dhegxaan ku tuuraya saldhiga iyo Ciidamada Booliska oo isaga caabinaya sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ka sameysan.

Gudoomiyaha Garissa, Ali Bunow Korane ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay in gacanta lagu soo dhigo Saraakiishii Booliska ee dilkaasi gaysatay.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto Garissa ayaa sheegay inaanay harsan doonin, illaa iyo inta ay cadaalad ka helayaan qoysaska dhibane-yaasha.

Xildhibaan Ducaale oo la hadlay Wasiirka Amniga Kenya, Fred Matiangi ayaa ka dalbaday in si deg deg ahi uu tallaabo uga qaado Saraakiishaasi Booliska.

Faallooyin