Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay gafuurka duubtay (SAWIRRO)

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horeysay waxaa meel fagaare ah lagu arkay, isagoo xiran maaska afka iyo sankaba lagu xirto, xilli uu Sabtidii booqanayay xarun caafimaadka oo Militariga Mareykanka uu ku leeyahay duleedka Magaalada Washington.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxa uu booqashadaan sameeyay, xilli ay kaamirooyinka wax duubaa ay hayeen.

Madaxweynaha ayaa in muddo ahba ka biyo diidanaa in uu isticmaalo maaska, isagoo markaasi ka qayb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ku celceliyay in maaska uu yahay mid loogu talagalay in dadku ku xirtaan goobaha caafimaadka.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay muuqaalo muujinaya, iyadoo Madaxweyne Trump uu xiran yahay maaska afka iyo sanka lagu daboosho.

Faallooyin