Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ka geestay magaalada Garissa

Dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa habeenimadii xalay weerar ka geestay deegaanka Korkora ee duleedka magaaladatan Garissa oo ay ku burburiyeen taawarka shirkada Isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd Aagaasi.


Laamaha Amniga ee saldhiga korkora ayaa u babac dhigay dagaalamayaasha oo doonayay in ay sidoo kale la wareegaan saldhiga Booliska kuwaasi oo ku hubeysnaa qoryaha culus ee darandooriga u Dhaca.


Ma jirto qasaare nafeed oo dadka rayidka iyo ciidanka amniga ka soo gaaray weerarkan iyadoo dhanka kale aan la ogeyn qasaaraha in uu gaaray dableyda weerarkan ka danbeysay, sida uu xaqiijiyay isku duwaha dhanka amaanka ee gobolkan waqooyi Bari Mr Nick Ndalana.


Dhanka kale waxaa socda howlgalo xoogan oo ay wadaan ciidanka Booliska oo kaashanaya kuwa difaaca dalka ee loo yaqaan KDF-ta kaasi oo lagu baadigoobayo dableydii ka danbeysay Weerarkan.


Mr Ndalana ayaa intaa ku daray in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo waxkasta uu suuragal ka dhigi kara sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dableydaan ay hada Adeegsanayaan.


Xoghayaha nabadgalyada magaalada Garissa Xasan Osmaan oo la hadlay Universal ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowlada Kenya ay dayacday amniga dadweynaha ayna ku mashquushay cudurka Corona.


Si kastaba ha ahaatee shacabka ku dhaqan bartamaha magaalada Garissa ayaa cabsi ka muujiyay weerarkaan maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay meel waxka yar 10 kiilo u jirta Magaalada.

Faallooyin