Xisbiga Wadajir oo Baaq u diray Guddiga Doorashada Qaranka

Xisbiga wadajir oo ka mid ah asxaabta mucaaradka ayaa ugu baaqay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka uu iscasilo sida ugu dhaqsiyaha Badan.


Gudoomiyaha xisbiga wadajir mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war saxaafadeed uu goordhow soo saaray wuxuu ku sheegay in guddiga doorashada uu ku fashilmay howshii loo Igmaday.


Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale wuxuu dhaliil u jeediyay madaxda ugu sareysa dalka golaha shacabka iyo gudiga doorashada, waxaana uu xusay in dhamaantood ay ku heshiyeen mudo Kororsi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaa raaciyay in arintaan ay tahay qiyaano ka dhan golaha aqalka sare iyo maamul goboleedyada dalka oo qeyb ka ah saamileyda Qaranka.


Gudoomiyaha xisbiga wadajir ayaa ugu danbeyn ugu baaqay madaxda guddiga doorashada in ay shaqada ka tagaan maadaama xilligaan aysan xal u aheyn mustaqbalka dalka, waa sida uu hadalka u Dhigaye.

Faallooyin