Tuug danbi Naadir ah loogu maxkamadeeyay dalka Kenya

Nin ku nool Ismaamulka Embu ee gobolka bartamaha Kenya ayaa loo maxkamadeeyay arin qariib ah kadib markii uu jabiyay guri deetana uu ka xaday kastuumada dumarka ay Xirtaan.


Eedeysanaha oo dacwadiisa dib loo dhigay oo ka soo muuqday maxkamada magaalada Embu ayaa la sheegay in uu qaatay lix kastuumo iyadoo uusan waxkale ka qaadan hoyga uu u Dhacay.


Garsooraha maxkamada Embu Mr Tony Kwambai ayaa sheegay in eedeysane Dickson Githinji uu falkaan geestay guriga marwo Juliet Nyaga oo ku yaal tuulada Mikimbi 28 bishii hore ee May.


Agabka uu qaatay ayaa qiimo ahaan lagu qiyaasayaa 1,500 oo shilinka ee dalka Kenya oo u dhiganta 15 Doolar.


Si kastaba ha ahaatee dacwada ayaa dib loo dhageysan doonaa 29-ka bishan June waxaana ninkaan lagu sii daayay damaanad lacageed oo dhan boqol iyo konton Doolar.

Faallooyin