Aadan Barre oo laga qaaday xilka golaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya

Hogaamiyihii golaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Mr Aadan Barre Ducaale ayaa hada xilka laga qaaday kadib kulan ay yeesheen xildhibaanada xisbiga Jubulee.

Codbixin kalsoonida lagu qaaday mudo bil gudaheed ah ayaa markii labaad ayaa loogu codeeyay xil ka qaadida Ducaale, waxaana lagu badalay booskiisa xildhibaan Amos Kimunya.

Kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee KICC ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweynaha dalkaas Mr Uhuru Kenyatta.

Dhanka kale xildhibaanka laga soo soo doortay degmada Ceeldhaas ee waqooyiga Wajeer Mudane Aadan Wehliye Keynaan ayaa loo doortay xoghaya xisbiga haya talada ee Jubulee.

Xil ka qaadida ducaale ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeeya   Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Willam Ruto oo kala Irdhoobay.

Faallooyin