Cabsi soo foodsaartay Waalidiinta Soomaalida ee dalka Kenya

Saraakiisha waaxyaha amniga iyo arimaha bulshada ee waqooyiga Kenya ayaa loogu baaqay in ay soo xiraan waalidiinta ku howlan in ay u guuriyaan gabdhaha ardayda ah ee wali ku guda jira waqtiga Iskuulka.

Madaxa wasaarada waxbarashada marwo Muumina Bonaya ayaa sheegtay in gabdhaha yaryar ay halis ugu jiraan waqtigaan in lagu qasbo guur aysan raali ka Aheyn.


Haweeneydan ayaa intaa raacisay in tan iyo bishii sadaxaad oo iskuulada Kenya loo xiray cabsida laga qabay faafida cudurka Corona, ay dhanka kale korortay walaaca waalidiinta waqooyiga Kenya ay ka qabaan mustaqbalka Gabdhahooda.

Ms Muumina ayaa ku boorisay waalidiinta in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa gabdhaha halkii ay si qasab ah ugu guurin Lahaayeen.

Digniintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay sii korortay gabdhaha sida aan sharciga aheyn Uurka ku Qaadaya.

Deegaanada laga soo tabiyay falalkaan ayaa waxaa ka mid ah Ismaamulada Garissa Wajeer Mandera iyo Isiolo oo ay dagaan Soomaalida Kenya.

Faallooyin