Kenya oo ku Guuleysatay kursiga golaha Amniga Qaramada Midoobay

Dalka Jabuuti ayaa looga adkaaday loolankii ay ugu jirtay kursiga aan joogtada aheyn ee golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kadib loolan ay la gashay dalka Kenya.

Doorashada oo dhacday galabta ayaa Kenya heshay 129 cod halka Jabuuti ay la timid 62 cod taasi oo guusha u sahashay Kenya, oo u baahneyd oo kaliya 128 Cod.

Arbacadii shalay ayaa labada wadan ay isku mari waayeen in midkood uu helo guusha kadib codeyn ka dhacday xarunta golaha Amniga.

Xukuumada Nairobi ayaa markii sadaxaad qabaneysa kursiga aan joogtada aheyn ee golaha amaanka ee qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee Kenya ayaa labada sano ee soo aadan heyn doonta xilkaan oo ah mid doorasho kale loo gali Doono.

Faallooyin