Madaxweynihii dalka Burundi oo goor dhow geeriyooday

Madaxweynaha weli talada dalka Burundi haya ayaa waxay dowladda dalkaasi xaqiijisay in uu goor dhow u geeriyooday wadne xanuun.

Pierre Nkurunziza ayaa Isniintii shalay lagula cararay Isbitaalka Karusi, ka dib markii uu ku dhacay wadne xanuun, iyadoona uu gelinkii dambe ee maanta ugu geeriyooday xanuunkaasi.

Madaxtooyada Burundi ayaa waxay xaqiijisay geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynaha, oo bisha August lagu waday in uu xilka wareejiyo.

Warka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay 'Murugo weyn inay u tahay dadka reer Burundi iyo caalamkaba' geerida naxdinta leh ee ku timid hoggaamiyihii wadanka.

Madaxweyne Nkurunziza ayuu qorshuhu ahaa in uu xilka ku wareejiyo ninka ay aadka u wada xifaaltami jireen ee Evariste Ndayishimiye, markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday bishii May.

Madaxweyne Nkurunziza ayaa dalkaasi soo maamulaayay shan iyo tobankii sano ee ugu dambeysay.

Faallooyin