Sacuudiga oo Qorsheynaya in Xujeyda uu u fasaxo Dalkiisa

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka fiirsaneysa in tiro yar oo xujey ah in ay u ogolaato dalkeeda si ay u soo gutaan acmaasha xajka oo ku beegan dabayaaqada bisha Luulyo ee soo Aadan.

Magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina ayaa sanad waliba waxaa booqda 2.5 malyan oo ka mid ah muslimiinta ku dhaqan daafaha Caalamka.

Ilo ku dhow boqortooyada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in waaxda xajka ay ka arinsaneyso in loo ogolaado xujey yar Sanadkaan.

Balse waxay lagu xiri doonaa dadka xajinaya shuruudo adag oo ay ka mid tahay dhanka caafimaadka in 20 boqolkiiba ay helaan wadamada joogtada ka ah Xajka.

Acmaasha xajka ayaa ah waajib qof kasta oo muslim ah saaran hadii uu Awoodo.

Sacuudiga ayaa hadii uu ku dhawaaqo go,aankan waxaa qeyb ka ahaan doonin dadka waayeelada ah ee doonaya in ay Xajiyaaan.

Isku socodka caalamka ayaa bishii sadaxaad ee sanadkaan hakad ku yimid kadib markii cudurka Corona uu boqolaal kun oo qof ay ugu dhinteen caalamka halka inkabadan 6 milyan oo kale uu soo Ritay.

Faallooyin