Dalka Spain oo maanta laga diiwan galin Bukaan u dhintay Cudurka Corona

Wadanka Spain oo ka mid ah dalalka caalamka ee uu aafeeyay cudurka Corona ayaa 24-tii saac ee la soo dhaafay laga soo tabinin dhimasho la xiriirta cudurkaan tan iyo bishii Maarso.

Madaxa waaxda caafimaadka ee ka hortagga masiibooyinka Spain, Mr Fernando Simón ayaa sheegay in arintaan ay dhiiri galin wanaagsan u Tahay.

Mr Simón ayaa intaa ku daray in bukaanada uu soo ritay cudurkaan ay tahay 71 ruux 24-tii saac ee la soo Dhaafay.

Sargaalkan ayaa intaa raaciyay in jiho wanaagsan ay hada qaadeen ayna ku rajo weyn tahay xukuumada Spain soo afjarida Cudurkaan.

Sadaxdii bishii Maarso ayay aheyd markii dhimashada labadii qof ee ugu horeysay laga soo tabiyay Spain ka hor inta maalin kadib aysan u dhiman 950 Ruux.

Guud ahaan tirada dhimashada ayaa ah 27,127, halka bukaanada uu soo ritay ay tahay 240,000, sida ay xaqiijisay xukuumada Madrid.

Faallooyin