Donald Trump oo si kulul ula hadlay Barasaabyada Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay madaxda Ismaamulada in ay ku guuldareysteen dibadbaxyada gilgilay Dalkaasi.

Trump oo shir dhanka muuqaalka ah la yeeshay Isniinta maanta ah barasaabyada gobolada ayaa si deg deg ah ugu baaqay in banaanbaxyada ay ku soo Afmeeraan.

Hadalkaan ayaa yimid iyadoo habeenimadii xalay dibadbaxyo rabshada wata ay ka dhaceen Mareykanka.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in cadaalada la hor keeno afar askari oo ka tirsan booliska Mareykanka ee ka danbeeyay dilka George Floyd.

Dhanka kale Isniinta maanta ayaa nin ka mid ah madowga Mareykanka wuxuu ku dhintay xabsi ku yaal magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku yiri barasaabyada Mareykanka waxaa tihiin kuwo aan awood Laheyn.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo magaalooyin badan oo ka mid ah Mareykanka laga soo tabiyay xadgudub ay geesteen ciidanka Booliska.

Faallooyin