Dowlada Soomaaliya oo Ruqsada shaqada kala laabatay diyaarado ka howlgala dalka Kenya

Dowlada dhexe ee dalka ayaa shaacisay in shattiga shaqada ay kala noqotay laba diyaaradood oo ka diiwaangashan dalka Kenya kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudub Sameeyeen.

Diyaaradaha oo kala ah Buff Air Silverstone ayaa la sheegay in Jaad sharci darro ah ay dalka soo galiyeen sida ay sheegtay Dowlada.

Jaadkan ayaa maalintii shalay iyo 26-dii bishii hore ee May labada diyaaradood si qarsoodi ah ay uga dajiyeen magaalooyinka Jowhar iyo Buuhoodle.

Warka ayaa intaa ku daraya in labada diyaaradood shixnadaha ay wadeen ay ku sheegeen gargaar ka hor Baaritaanada.

Sargaal ka tirsan wasaarada gaadiidka ayaa xaqiijiyay in falka diyaaradahan uu jabinayo sharciga xakameynta cudurka Corona.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyay uu sii xumaanayay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Faallooyin