Dowlada Turkiga oo agab caafimaad oo loogu talagalay cudurka Corona soo gaarsiisay Muqdisho

Diyaarad Milatari oo waday shixnaad caafimaad oo ay leedahay dowlada Turkiga ayaa ka soo caga dhigatay saacad ka hor garoonka diyaaradaha aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Deeqdaan ayaa isugu jirta daawooyin iyo qalab kala duwan oo casri ah kaasi oo loo adeegsan doono baaritaanada cudurka Corona oo dhibaatada ku haya Dunida.

Safaarada turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in shixnadaan caafimaad ay ku wareejisay wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shacabka magaalada ayaa ka muujinayaan cudurka Corona oo dhowr qof ku soo ritay caasimada Dalka.

Dhanka kale xukuumada dalka ayaa uga mahad celisay Turkiga taageerada walaalnimo uu la garab taagan yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Faallooyin