Suuqa ganacsiga Islii ee magaalada Nairobi oo la Xiray

Waxaa gabi ahaanba albaabada la isugu laabay suuqa ganacsiga ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Gudoomiyaha guddiga ganacsatada ee suuqa Islii mudane Ibraahim Xuseen ayaa sheegay ilaa iyo todobaad dhamaadkan uu xirnaan doona ilaa iyo amar danbe si loo hortago faafida Cudurkaan.

Mr Xuseen ayaa intaa raaciyay in goobaha Isbitaalada xawaaladaha lacagta iyo Super Market-yada lagu iibiyo raashinka qutul daruuriga ah ay furnaan Doonaan.

Gudoomiyaha ganacsatada Islii ayaa sidoo kale ugu baaqay in darawalada gaadiidka yaryar aysan qaadi karin hal qof ka badan ayna talaabo ka qaadi doonaan cidii amaradan Jabisa.

Dhanka kale xildhibaanka degmada Kamakunji mudane Yuusuf Xasan oo qoraal ku soo qoray barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaadeen Ganacsatada.

Shalay ayay aheyd markii muwaadinkii labaad oo uu u dhintay cudurka Corona lagu aasay magaalada Nairobi.


Faallooyin