Dowlada UK oo kordhisay xayiraada saaran Dalkaasi

Dowlada UK ayaa mudo sadex todobaad ah ku kordhisay xayiraada ka jirta dalkaas, si loo wiiqo faafida cudurka Corona.

Mudo kordhintaan ayaa ku soo aadeysa, kadib digniin ka soo baxday isku duwaha hey,ada caafimaadka Aduunka ee midowga Yurub Mr Hans Kluge.

Mas,uulkan ayaa sheegay in cudurka dadka qaba ay korortay 10-kii maalin ee la soo dhaafay kadib markii dalalka qaar oo cudurkaan saameeyay ay qafiifiyeen isku socodka Dadweynaha.

Who ayaa dhanka kale ugu baaqday wadamada midowga Yurub in ildheer ay ku fiiriyaan la dagaalanka cudurka Corona.

Xayiraad kordhinta UK ayaa ku soo aadeysa iyadoo madaxweyne Donald Trump la filayo, in saacadaha soo aadan u ku dhawaaqo isku socodka Mareykanka iyo dalalka ka mid ah Yurub gaar ahaan Jarmalka.



Faallooyin