Kenya oo xaqiijisay in muwaadin Soomaali ah uu u dhintay Cudurka Corona

Muwaadinkii labaad oo Soomaali ah ay cudurka Corona ugu dhintay magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya.

Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Shiikh Abdulaahi ayaa ka mid ahaa Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii.

Marxuumka ayaa lagu aasay qabuuraha muslimiinta ee Langata ee duleedka magaalada Nairobi.

Howlwadeenada muslimiinta ee ka tirsan shaqaalaha wasaarada caafimaadka ayaa aaskaan fuliyay, si looga fogaado faafida Cudurkaan.

Dalka Kenya ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada dhaca bariga Afrika ee dhibaatada uu ku hayo Cudurkaan.

Faallooyin