Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Gedo

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah dallada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay weerar diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Gedo.

Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Yurkud, xilli kooxda ay ku howlaneyd weeraro ka dhan ah kolonyo ka tirsan milatariga Itoobiya.

Xukuumada Addis Ababa ayaa dhanka kale cadeyn waqtiga uu dhacay Howlgalkaan.


Ciidanka oo watay hub culus oo ay ka mid ahaayeen gawaarida jiida madaafiicda ayaa ka yimid dhanka deegaanka doolow cade, waxaana ay ku wajahnaayeen magaalada Beydhabo.

Taliska ciidanka Itoobiya ayaa intaa ku daray in xubnaha la dilay ay ku jireen kuwo maleegayay qaraxyada miinooyinka ee wadada lagu Aaso.


Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa aalaaba weeraro dhabagal ah ku qaada ciidanka Itoobiya marka ay ka soo talaabayaan ama ka baxayaan gobolka Gedo.

Faallooyin