Inkudhow kun ruux oo caabuqa Corona ugu dhintay dalka UK

Boqortooyada UK ayaa Khamiista Maanta ah waxaa ku dhintay tiradii ugu badneyd oo qabtay caabuqa Corona ee dhibaatada ku haya Caalamka.

Saraakiil ka tirsan wasaarada caafimaadka UK ayaa xaqiijiyay in 938 qof ay u dhinteen cudurkaan 24-tii saac ee la soo Dhaafay.

Dhanka kale waxaa kordhay bukaanada uu soo ritay cudurkaan oo gaartay 60,733 ruux guda UK.

Bukaanada ku dhintay cudurkaan ayaa waxaa ka mid ah Dr Abdul Macbuud Chowdhury oo ka mid ahaa dhaqaatiirta dagaalka kula jirtay Cudurkaan.

Dr Chowdhury ayaa sadex todobaad ka hor ku booriyay ra'isul wasaare Johnson in uu xoojiyo qalabeynta iyo sare u qaadida shaqaalaha laanta caafimaadka UK, oo loo yaqaan NHS

Dowlada ayaa dhanka kale xaqiijisay in ay ka soo reyneyso xaalada caafimaad ee ra'isul wasaare  Boris Johnson hadana uu soo yara fadhiisan Karo.


Faallooyin