Dowlada Itoobiya oo xaalad deg deg ah ku Dhawaaqday

Dowlada Itoobiya ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo lagula dagaalamayo caabuqa Corona.

Cudurkaan ayaa tan iyo markii ka dilaacay Itoobiya waxaa ku dhintay laba qof halka 55 ruux oo kale uu Saameeyay.

Waa markii ugu horeysay oo xaalad deg deg ah lagu soo rogo Itoobiya tan iyo markii uu talada la wareegay ra'isul wasaare Abiye Axmed sanadkii 2018-kii.

Caabuqa Corona waa mid uga sii dari kara xaalada Itoobiya sidaa darteed, dowlada waxay go,aan satay in xaalad deg deg ah lagu soo rogo iyadoo loo marayo qodobka 93-aad ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Abiye Axmed.


Hogaamiyaha Itoobiya ayaa dhanka kale uga digay cidii jabisa amarkaan in ay la tiigsan doonaan Sharciga.

Si kastaba ha ahaatee amarkaan ayaa la ogeyn sida uu u saameyn doono bulshada Itoobiya oo ka mid ah shacuubta ugu faqrisan qaarada Afrika.

Faallooyin