Boqolaal ruux oo markale caabuqa Corona ugu geeriyootay dalka Spain

Dalka Spain ayaa wali wuxuu wajahayaa xaalad adag oo la xiriirta caabuqa Corona oo guud ahaan dhibaato ku haya Caalamka.

Dhimashada ayaa markale korortay Isniinta maanta sida laga soo xigtay laamaha caafimaadka waxaana ku dhintay 743 Ruux.

Tani ayaa noqoneysa masiibo kale oo ku habsata dalkan ku yaal qaarada Yurub.

Spain ayaa ah dalka labaad ee qaarada Yurub oo sida daran waxyeelada ugu geestay marka laga soo tago Talyaaniga.



Faallooyin