Xaalada Caafimaad ee Ra'isul Wasaaraha UK oo qatar ku Jirta

Ra'isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa waxaa la dhigay qeybta xaalada deg deg ah ee isbitaal ku yaal magaalada London.

Mr Johnson oo la tacalayay caabuqa Corona ayaa xaaladiisa caafimaad la Soo tabinayaa in ay ka sii dartay saacadihii la soo Dhaafay.

Hogaamiyaha UK ayaa tijaabo caafimaad lagu sameeyay 10 maalin ka hor laga helay cudurka Corona.

Mr Johnson ayaa ayaa waqtigaasi sheegay in uu wanaagsan yahay howshiisana ku qaban doono Gurigiisa

Boqorada UK Queen Elizabeth ayaa isniinta shalay u mahad celisay shaqaalaha caafimaadka, waxaana ay sheegay in ay ka guuleysan doonaan caabuqa Corona.


Cudurkaan ayaa intii uu ka dilaacay dalkan waxaa ku dhintay 4,934 oo Ruux.

Faallooyin