Madaxweyne Trump oo dadkiisa la wadaagay farriin la xiriirta Coronavirus

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa markale shacabka dalkaasi u sheegay in ay u diyaargaroobaan sara u kac ku yimaada dhimashada ka dhalaneysa xanuunka Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa Sabtidii ku celiyay in Mareykanka uu wajahayo labadii toddobaad ee ugu adkeyd, ee uu sababay xanuunkaasi saf marka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xukuumadda Washington ay amar ku bixisay in si deg deg ah loo diyaariyo boqol iyo sideetan milyan, oo afuufka afka iyo sanka lagu duubto, si looga hortaggo buu yiri faafitaanka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Magaalada New York loo daad-gurayn doono kun ka mida hawlwadeenada caafimaadka ee Ciidamada Militariga, xilli magaaladaasi uu faro kulul ku hayo xanuunkaasi.

New York ayaa Sabtidii laga xaqiijiyay 630 kiis oo dhimasho ah, taasoo tirada guud ee magaaladaasi Coronavirus ugu geeriyootay ka dhigeysa 3,565 qof.

Dalka Mareykanka ayaa guud ahaan laga diiwaangeliyay 311,616 oo kiis oo caabuqa COVID-19 ah, halka dhimashadana ay kor u dhaaftay 8,489 oo qof.

Faallooyin