Shacabka Hindiya oo u diyaar garoobaya Bandowga ay soo rogtay Dowlada

Dad tiradoodu ay tahay 1.3 Bilyan oo u dhashay dalka Hindiya ayaa la caawa saqda dhexe guryahooda ku xaroon doona ilaa iyo mudo dhan 21 Maalmood.

Amarkaan ayaa waxaa soo rogay ra'isul wasaare Narendra Modi ayaa amray in mudo sadax todobaad ah ay dadka ka soo bixin guryahooda si loo xakameeyo faafida Cudurkaan.

Laga bilaabo saqda dhexe ee caawa waxaan soo rognay bandow socon doona ilaa iyo bartamaha bisha soo aadan ayuu yiri Modi, oo qudbad ka jeedinayay Tv-ga Hindiya.

Si loo badbaadiyo Hindiya iyo Muwaadiniinta-yada waxaa adiga iyo qoyskaada ku wargalinayaa in aad gurigaada Joogto ayuu yiri Modi.

Suuqyada iyo goobaha kale ee ganacsiga ayaa laga dareemayaa saxmad balaaran iyadoo shacabka gadanayaan waxyaabaha lagama maarmaanka ah gaar ahaan Raashinka.

Dalka Hindiya oo ah wadanka labaad ee ugu shacbiyada badan caalamka ayaa cabsi laga muujinayaa in cudurkaan uu ku faafo iyadoo dhowr qof ay u Dhinteen.

Faallooyin