Soomaalida u geeriyootay Caabuqa Corona oo Korortay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka Soomaalida ee ugu geeriyooday caabuqa Corona wadamada barwaaqo sooranka ee qaarada Yurub.

Dalalkan ugu daran ayaa waxaa ka mid ah wadamada Sweden Norway iyo Denmark oo ka mid ah wadamada ay ku nool yihiin Soomaalida.

Dalka Sweden ayaa waxaa cudurkan ugu geeriyooday 23 ruux, iyadoo 12 ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah sida ay sheegtay Dowlada.

Yaasiin Cabdiraxmaan oo ka mid ah siyaasiyiinta Sweden ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida in taxadar ay muujiyaan ayna ku sugnaadaan Guryahooda.

Dhanka kale caabuqa cudurkaan ayaa wuxuu saameeyay isku socodka dalalka Yurub.

Faallooyin