Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay amarka Dowlada Kenya ku xirtay Masaajida

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida ee ku nool dalka Kenya ayaa caawa ka hadlay amar rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Kenya oo lagu xirayo Masaajida.


Wasiirka caafimaadka xukuumada Kenya Muthai Kegwa oo shir jaraa'id galinkii danbe ee maanta ku qabtay magaalada Nairobi ayuu soo saaray amar ah in la xiro Masaajida iyo Kaniisadaha kadib markii la helay 8 qof oo qaba caabuqa Corona.

Daaciga oo caawa kula hadlay boqolaal ruux oo ku soo tukatay masaajidka weyn ee 6-ka ayaa sheegay in uu ka xunyahay talaabada ay qaadatay dowlada Kenya.

Shiikh Umal ayaa intaa ku daray in aysan awoodin jabinta amarkaan ayna ku qasban yihiin in la Raaco.

Isaga oo sii hadlayay ayaa Shiikha wuxuu tilmaamay in ka fikir ahaan aysan jirin waqtigaan daruuf kalifeysa in la xiro goobaha lagu cibaadeesto gaar ahaan Masaajida.

Arintaan ayaa ka dhigan in aysan jiri doonin maalinta berito ah masaajid lagu tukan doono salaada Jamaacada gudaha Kenya  gaar ahaan magaalooyinka Waaweyn.

Faallooyin