Kuuriyada Waqooyi oo sameysay tijaabo Gantaal xilli Dunida ay la tacaaleyso caabuqa Corona

Kuuriyada waqooyi ayaa sabtida maanta ah ku tijaabisay laba gantaal oo nooca ballistic-gada ah xeebaha kuuriya gaar ahaan jihada xad biyoodka ay kala wadaagaan kuuriyada Koonfureed.

Tijaabada gantaalaha cusub ee kuuriyada waqooyi ayaa lagu xaqiijiyay qoraal kooban oo ka soo baxay wasaarada difaaca kuuriyada Koonfureed.

Xeel dheerayaasha Milatariga ayaa tijaabadan ku tilmaamay mid muujineysa in kuuriyada waqooyi ay isku qabto kalsooni weyn, xilli caalamka uu la tacaalayo wiiqida caabuqa Corona.

Xukuumada Pyongyang ayaa bilowgii bishan tijaabisay laba gantaal, iyadoo dalalka Japan kuuriyada koonfureed iyo Shiinaha ay ugu baaqeen in ay dib ugu laabato wadahadalada Mareykanka.

Ciidanka ilaalada badda Jaban ayaa sheegay in gantaalaha ay kuuriyada waqooyi tijaabisay sabtida maanta ay ku soo dhaceen meel u dhow Xeebaheeda.

Dhanka kale bisha April ayaa xukuumada kuuriyada waqooyi waxay sheegtay in uu furmi doono kala fadhiga baarlamaanka oo ay xaadiri doonaan 700 Mudane.

Hardanka u dhaxeeya Mareykanka iyo kuuriyada waqooyi ayaa ahaa mid mudo soo jiitamayay taasi oo salka ku heysa soo jeedinta Mareykanka oo ah in dalkaan uu burburiyo gantaalaha Nuclear-ka walow xukuumada Pyongyang ay u muuqato mid ka caga jiideysa dalabka Mareykanka.

Faallooyin