Dowlada Turkiga oo amar adag ku soo rogtay muwadiinta da'da ah ee u dhashay Dalkaas

Dowlada Turkiga ayaa bandow ku soo rogtay muwaadiniinta dalkaasi oo da'dooda tahay 65 sano jirka iyo kuwa ka waaweyn si looga fogaado caabuqa Corona.

Amarkaan ayaa lagu shaaciyay kadib warsaxaafadeed ka soo baxay xilli danbe ee Sabtida maanta wasaarada arimaha Gudaha.

Dhanka kale xukuumada Ankara ayaa mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha 46 dal kaga imaan jiray si loo xakameeyo caabuqa Cudurkaan.

Amarka turkiga ayaa ku soo aadaya iyadoo bukaanada ugu nugul caabuqa Corona lagu sheegay dadka da'dooda horay i u Badatay.

Cudurkaan oo guud ahaan saameeyay wadamada caalamka ayaa waxaa ku dhintay kumanaan ruux.

Faallooyin