Muwaadin Soomaaliyeed oo dhowaan lagu dilay Sweden oo maanta la Aasay

Wiil Soomaaliyeed oo dhowaan lagu dilay dalka Swedan ayaa maanta lagu aasay Dalkaasi.

Allaha u naxariistee Ilyaas Cabdiraxmaan Shiikh Muxudiin oo ahaa wiil 16 sano jir ah ayaa lagu dilay magaalada Gutenberg, waxaana ka soo qeybgalay dhamaan jaaliyada Soomaalida.

Booliska Sweden oo mudo todobaad ah baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilkaan ayaa ugu danbeyn u ogolaaday ehelada Ilyaas in la Aaso.

Aabaha dhalay Ilyaas oo lagu magacaabo Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Muxidiin Celi oo la hadlay Universal Tv ayaa sheegay in uu cafiyay cidii ka danbeysay dilka Wiilkiisa.

Shiikh Cabdiraxmaan ayaa dhanka kale sheegay in uu rajeynayo in wiilkiisa uu noqdo dhibanihii ugu danbeeyay oo lagu dilo Sweden.

Dalkaan ku yaal qaarada Yurub ayaa mudooyinkaan waxaa ku sii kordhayay dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Faallooyin