Sargaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo lagu xiray degmada Janaale

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay sargaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kadib howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sargaalka laqabatay ayaa madaxda Milatariga Soomaaliya waxay sheegeen magaciisa Abuukar Xasan Samow, waxaana suaalo lagu weydiinayaa saldhiga magaalada Janaale.

Xariga sargaalka Al-Shabaab ayaa ku soo aadaya iyadoo bartamihii bishan ciidanka Milatariga ay la wareegeen degmada Janaale oo sanado badan fariisin u aheyd ururka Al-Shabaab.


Si kastaba ha ahaatee wasaarada difaaca xukuumada ayaa balan qaaday in ay sii wadi doonto baacsiga Al-Shabaab ilaa laga saarayo deeegaanada wali ka maqan gacanta Dowlada.

Faallooyin