Israa'iil oo xaqiijisay in ay korortay bukaanada qaba caabuqa Corona maalmihii la soo Dhaafay

Nin 88 sano jir ahaa oo la daala dhacayay todobaadyadii la soo dhaafay caabuqa Corona ayaa ku dhintay gudaha Israel markii ugu horeysay tan iyo markii cudurkaan lagu arkay Dalkaasi.


War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada caafimaadka ayaa lagu xaqiijiyay in bukaanka la dhigay todobaad ka hor isbitaalka Shaare Zedek ee ku yaal magaalada Jerusalem.


Guud ahaan 705 bukaan ayuu ku asiibay caabuqaan dalka Israa'iil iyadoo 10 ka mid ah xaaladooda ay liidato, halka 15 kalena ay ka soo kabsadeed sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka.


Amar ka soo baxay ra'isul wasaaraha Israa'iil Mr Benjamin Netanyahu ayaa loogu baaqay dadweynaha in aysan isugu imaan goobaha lagu kulmo maalintii Khamiista ee todobaadkii Hore.


Mr Netanyahu ayaa dhanka ku amray laamaha booliska in ay awood u adeegsadaan cidii jabisa amarkaan inta lagu guda jiro olalaha lagu xakameynayo caabuqa Corona oo caalamka Aafeeyay.

Faallooyin