Beeraleyda Jaadka Kenya oo walaac ka muujiyay amarka Dowlada Soomaaliya

Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in hoos u dhaca dhanka dhaqaalaha ah uu soo wajahay sababo la xiriira caabuqa Corona.

Arintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa kadib amar ka soo baxay xukuumada fedaraalka soomaaliya Jaadkii ka imaan jiray wadamada Kenya iyo Itoobiya.

Gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda Jaadka Nyambene Mr Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in 50 tan oo Jaad ah ay uga qasaartay amarka xanibaada dowlada Soomaaliya.

Mr Munjuri ayaa intaa ku daray in maalintii talaadada ee shalay aysan wax Jaad ah u safrinin Soomaaliya kadib amarkii Isniinta.

Faallooyin