Bukaan looga shakiyay caabuqa Corona oo la dhigay Isbitaalka Guud ee Wajeer

Ismaamul goboleedka Wajeer ee gobolka waqooyiga bari Kenya ayaa shaaca ka qaaday in isbitaalka la dhigay bukaan qaba caabuqa Corona.

Bukaanka oo da'diisa lagu sheegay 40 sano jir ayaa waxaa soo wajahay qandho iyo kor xanuun sida ay sheegeen Dhaqaatiirta.

Howlwadeenada caafimaadka ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu caawinayo bukaanka, waxaana la dhigay isbitaalka qeybta shanaad ee Wajeer.

Marka laga reebo shakiga ninkaan ayaa hadane mas, uuliyiinta caafimaadka Wajeer waxay xaqiijiyeen in bukaanka uusan ka safrin magaalada 2-dii bil ee la soo dhaafay mana jirto safaro kale uu u aaday dibada Kenya.

Faallooyin