Culimada Soomaaliyeed oo Nairobi oo go,aan ka gaaray in la xirayo Masaajida iyo Inkale

Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ka hadlay caabuqa Corona.

Kadib kulan ay ku yeesheen hoolka shirarka ee hotelka Islii Mall ayaa waxaa ay kaga arinsadeen, sida laga yeelayo xaalada soo korortay iyo cabsida cudurkaan oo maalmihii danbe ka taagneyd dalka Kenya.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ku hadlay afka culimada iyo imaamyada ayaa sheegay in aan la xiri doonin masaajidada islii ilaa xaalad lagama maarmaan ah ay Imaado.

Shiikha ayaa ugu baaqay dadka musaliinta ah in ay guryahooda ka soo weysaqaataan si looga fogaado isku dhaxyaaca lana dhowro Nadaafada.

Daacigan soomaaliyeed ayaa ku booriyay dadka iskaga shakiya cudurkaan in aysan imaan masaajidada lana xiriiraan howlwadeenada Caafimaadka Kenya.

Faallooyin