Laamaha Amniga Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay agabyada Qarxa

Laamaha Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku soo dhigaan Jaakad nooca loo adeegsado qaraxyada oo la doonayay in loo adeegsado weeraro ka dhaca magaalada Gaalkacyo.


Gaashaanle dhexe Qaasim Sheekh Doon Cali, oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu tilmaamay in Jaakada lagu qariyay guri ka mid ah xaafadaha Magaalada.


Taliyaha ayaa intaa ku daray in maalmihii la soo dhaafay ay howlgalo xoogan ka wadeen magaalada taasi oo la xiriira sugida amniga iyadoo ugu danbeyn ay saaka ku guuleesteen in ay soo helaan Jaakada oo la dhigay meel luuq ah oo ku taal xaafada Wadajir.


Inkastoo magaalada Gaalkacyo ay ka mid tahay meelaha ugu nabada badan dalka ayaa hadane waxaa mararka qaar ka dhaca falal amni daro iyo dilalka qorsheysan taasi oo liddi ku ah Amniga.

Faallooyin