Amar uu soo saaray ra'isul Wasaare Kheyre oo ka dhaqan galay magaalada Muqdisho

Waxaa ka dhaqan galay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ee caasimada dalka amarkii ka soo ra'isul wasaaraha xukuumada Federaalka mudane Xasan Cali Kheyre.


Ra'isul Wasaaraha ayaa soo saaray amar ah in la xiro xarumaha waxbarashada mudo 15 maalin ah, si loo baajiyo faafida caabuqa Corona.

Wasaarada caafimaadka xaqiijisay in la helay bukaankii ugu horeeyay oo qaba caabuqa Corona maalin ka hor kaasi oo dhowaan dalka dib uga soo Laabtay.

Iyadoo laga duulayo baaqa ra'isul wasaaraha ayaa gabi ahaanba waxaa hakad ku yimid maanta howlihii xarumaha waxbarashada gaar ahaan iskuulada iyo jaamacadaha Muqdisho.

Si la mid ah maamulada dalka ayaa qaarkood amray iyadoo gobolada dalka qaarkood albaabada la isugu laabay xarumaha Waxbarashada.

Dhanka kale waxaa maanta haawanayay qaar ka mid ah hoteelada waaweyn ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Faallooyin