Dib u dhac ku yimid munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Waxaa dib u dhac ku yimid xaflada caleema saarka madaxweynaha Ismaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa, oo la filayay in ay dhacfa 26-da bishan Maarso.

Gudoomiyaha qaban qaabada munaasabada Caleema saarka Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa xaqiijiyay in dib u dhaca ay sabab u tahay caabuqa Corona.

Mr Garaad ayaa intaa ku daray in xaflada ay ku casuumeen madax iyo wafdi caalami ah, balse aysan suura gal aheyn Arintaan.

Amar ka soo baxay xukuumada dhexe ee dalka ayaa lagu mamnuucay dhamaan duulimaadyada dibada ka imaan jiray kadib sababo la xiriira caabuqa Corona.

Mr Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhankiisa soo dhaweeyay talaabada ay qaaday dowlada ayna kala shaqeyn doonaan sidii loo xakameyn lahaa caabuqa Cudurkaan.


Si kastaba ha ahaatee lama oga waqtiga ay dhici doonto munaasabada caleema saarka madaxweynaha Galmudug iyo ku Xigeenkiisa.

Faallooyin