Bukaan qaba Caabuqa Corona oo laga helay dalka Jabuuti

Dowlada Jabuuti ayaa ku dhawaaqday Arbacada maanta ah in bukaankii ugu horeeyay laga helay caabuqa Corona.

Wasiirka caafimaadka Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay, in bukaanka uu yahay muwaadin u dhashay dalka Spain oo afar iyo tobankii bishan tagay Jabuuti.

Mr Maxamuud ayaa intaa ku daray in bukaanka lagu hayo isbitaal ku yaal xerada ay milatariga Faransiiska ku leeyihiin dalka Jabuuti.

Xukuumada Jabuuti ayaa dhanka kale xaqiijisay in la karantiilay 34 askari oo ka mid ah ciidanka Spain.

Caabuqa Corona ayaa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka iyadoo Jabuuti ay noqoneyso dalkii ugu danbeeyay oo ka mid ah wadamada dariska oo laga helo caabuqa Corona.

Faallooyin