Barasaabka Garissa oo soo saaray Awaamiir looga hortagayo caabuqa Corona

Barasaabka Ismaamulka Garissa Mudane Cali Bunow ayaa amaro cusub ku soo rogay shacabka ku dhaqan ismaamulka Garissa, kaasi oo la xiriira ka hortagga caabuqa Corona.

Mr Qorane ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay heegan galisay shaqaalaha caafimaadka lana diyaariyay howlwadeeno caafimaad oo loogu talagalay la dagaalanka Cudurkaan.

Maamulka Garissa ayaa dhanka kale mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista Jaadka iyo xafladaha Aroosyada.

Ugu danbeyn Mr Qorane ayaa ku booriyay waalidiinta in si dhow ay ula socdaan Caruurtooda.

Faallooyin