Kenya oo qabaneysa kulan ay kaga Duceysaneyso caabuqa Corona

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in duco qaran, iyadoo wasaarada caafimaadka Kenya ay xaqiijisay in la helay bukaankii afaraad ee qaba caabuqa Corona.

Guud ahaan caalamka ayaa waxaa ku dhintay 7,330 qof halka 185,65 kale ay la daala dhacayaan Cudurkaan.

Mr Kenyatta ayaa tilmaamay in maalinta Sabtida ah ee soo aadan muwaadiniinta Kenya ay sameyn doonaan alla bari guud iyaga oo ku sugan Guryahooda.

Hogaamiyaha Kenya ayaa intaa ku daray in xubno yar oo ka tirsan wadaadada diimaha uu ku casuumi doono aqalka madaxtooyada Nairobi.

Ilaahey waxaa uu ina siiyay waxbadan oo lagu farxo hadii aan Kenyan nahay, hadana waa in aan barinaa si uu inooga cafiyo qaladaadka aan galnay ayuu yiri Kenyatta.

Faallooyin