Ismaamulka Mandera oo heegan sare galiyay shaqaalaha Caafimaadka

Barasaab ku xigeenka Ismaamulka Mandera ee waqooyiga Kenya, Mudane Maxamed Caraay ayaa ku booriyay shacabka in feejignaan dheeri ah ay muujiyaan, xilli maalinta Isniinta ee Berito ay shaqadooda bilaabi doonaan howlwadeenada caafimaadka dowlada Mandera ay ugu talagashay la dagaalanka caabuqa Corona.

Mr Caraay ayaa ugu baaqay bulshada Mandera in ay ku dadaalaan nadaafada, si looga fogaado Caabuqan.

Inkasta oo magaalada Mandera iyo guud ahaan waqooyiga Bari Kenya aan lagu arkin cudurkaan ayaa hadane waxaa jira cabsi ay muujinayaan Dadweynaha.

Wasaarada caafimaadka Kenya ayaa laba maalin ka hor shaacisay in haweeney u dhalatay dalkaasi oo ka timid Mareykanka laga helay caabuqa Corona.

Saacado ka hor ayaa sidoo kale la helay laba bukaan oo qaba caabuqan iyadoo 27 ruux oo laga shakiyay lagu karantiilay magaalada Nairobi.

Faallooyin