Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in joojiso duulimaadyada ka imaanaya Dibada

Dowlada dhexe ee dalka ayaa loogu baaqay in ay joojiso duulimaadyada ka imaanaya dibada, si looga fogaado caabuqa Corona.

Aqoonyahan Cabdixamiid Aadan Axmed oo la soo xiriiray Universal Tv ayaa sheegay in Soomaaliya ay u nugushay cudurkaan hadii aan taxadar dheeri ah la Muujin.

Mr Cabdixamiid ayaa tusaale u soo qaatay Jaadka Kenya ka yimaada, xilli dalkaasi laga helay Bukaano horleh oo qaba caabuqa Corona.

Duulimaadyada ka yimaada Kenya iyo Itoobiya ayaa wali daga madaarka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, xilli laban wadan ay ka mid noqdeen dalalka Africa ee labadii maalin ee la soo dhaafay laga helay bukaano qaba Cudurkaan.

Inkastoo wali gudaha dalka aan laga helin bukaan qaba cudurkaan ayaa hadane shacabka Soomaaliyeed waxay isweydiinayaan sababta ay dowlada u saari la'dahay amaro la xiriira Caabuqaan.

Guuda ahaan wadamada hormaray ayaa soo saaray amaro ka dhan ah duulimaadyada diyaaradaha iyo isku imaatinka goobaha dadweynaha iyo xarumaha Waxbarashada

Faallooyin