Uhuru Kenyatta oo amar adag ka soo saaray caabuqa Corona iyo bukaano kale ee laga helay dalka Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay in laba bukaan oo horleh oo qaba caabuqa Corona laga helay dalkaasi, kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay la kulmeen haweeneydii ugu horeysay laga helay Cudurkaan.

Kenyatta ayaa soo saaray amar ah in Kenya aysan gali karin dadka ajaaniibta mudada 30 ka maalin ee soo aadan, iyadoo amarkan uu dhaqan gali doona 48-da saac ee soo Socota.

Amarkaan ayaa saameyn ku yeelan doonin ajaaniibta  heesta deganaashaha Kenya iyo muwaadiniinta qurba joogta ah ee u dhashay Kenya, inkasto oo iyaga laftooda ay mari doonaan baaritaan Caafimaad.

Dhamaan dadka gudaha u galay Kenya labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa loogu baaqay in si nafsi ah ay isku karantiilaan, ayna tagaan Isbitaalada si loo Baaro.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale sheegay laga bilaabo Isniinta Berito ah aysan jiri doonin waxbarashada iskuulada hoose iyo kuwa Sare.

Si la mid ah Jaamacadaha iyo Koleejyada la seexdo ayuu ugu baaqay in ugu danbeyn la kala diro ardada ku sugan maalinta Jimcaha.


Hogaamiyaha Kenya ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha rayidka ee xafiisyada dowlada loo ogolaan doono in howshooda ay ku qabtaan Guryahooda.

Dadka ka adeeganaya suuqyada iyo goobaha kale ayuu ku booriyay in ay adeegsadaan hanaanka Bangiyada iyo lacagaha la isaga diro taleefanada si looga fogaado qatarta caabuqa Corona.

Kenyatta ayaa uga digay ganacsatada in ay kordhiyaan qiimaha wax lagu iibsado waxyaabaha muhiimka ah gaar ahaan raashinka, iyadoo cidii lagu helo ay uu balan qaaday in sharciga ay la tiigsan Doonaan.

Ugu danbeyn madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay isbitaalada iyo suuqyada waaweyn ee ganacsiga in sameeyaan goobo lagu dhaqdo gacmaha iyo agabyada lagu xirto Sanka.


Faallooyin