Milatariga Turkiga iyo Ruushka oo howlgalo Roondo ah ka bilaabay Suuriya

Milatariga Turkiga iyo Ruushka ayaa dhameystiray ciidankooda isku dhafka ah, oo howlgalo roondo ah ka bilaabay wadooyinka muhiimka ah ee isku xira ku yaal gobolka xadka turkiga ee Idlib.

Arintaan ayaa lagu xaqiijiyay qoraal ka soo baxay Axada maanta ah wasaarada difaaca Turkiga.

Heshiiskii lagu gaaray caasimada Moscow ayaa qodabadiisa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo ciidamo iskudhaf ah oo ka socda Turkiga iyo Ruushka.


Labada dhinac ayaa ka shaqeyn doona xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada hubeysan ee wali ku sugan gobolka waqooyiga galbeed ee Suuriya.

Dowlada Ruushka oo saaxiib dhow la ah labada wadan ayaa dadaal xoogan u gashay xabad joojin ka hirgasha Idlib kadib dagaal dhexmaray milatariga Suuriya iyo kuwa Turkiga.

Iska hor imaadyada labada dhinac oo siyaabo kala duwan uga dhacay labadii bil ee la soo dhaafay gobolka ayaa waxay isaga dileen askar Badan.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale wacad ku maray in awoodooda ay adeegsan doonaan hadii mardanbe la weeraro ciidanka Turkiga ee ku sugan gudaha Suuriya.

Faallooyin